Germany oo shaqaalaysiinaysa 8,500 oo macallimiin cusub ah si loo baro afka Jarmalka carruurta qaxootiga ah.

Berlin-(Independent)-Wargeyska The Independent ee British ka ah ayaa waxa uu sheegay in Germany ay shaqaalaysiinayso 8,500 oo macallimiin cusub ah si loo baro afka Jarmalka carruurta qaxootiga ah.

Wargayska ayaa waxa uu sheegay in qiyaastii 200 kun oo carruur ah oo qaxooti ah ay geli doonaan nidaamka dugsiyada Germany sanadkan,waxana loo diyaariyay howshan  qiyaastii 10 kun oo fasal oo gaar ah.

Wargayska ayaa waxa kale oo uu sheegay in caqabadda ugu weyn ee macalimiinta cusub sugaysa kaliya aynan ahayn in ay baraan Af cusub ardayda ajnabiga ah, laakiinse ay tahay kabitaanka sannadihii ka tagay carruurta iyo raadadkii dagaalada ay ku reebeen.

Waxaa xusid mudan in 325 kun oo carruur qaxooti ah oo ka soo jeeda Syria, Afghanistan iyo Afrika ay soo gaadheen Germany sanadkan.

Waxa tirkoobyadu ay sheegayaan in mid ka mid ah shantii carruur ah ee qaxootiga ah uu ka cabanayo cudurrada maskaxda iyo kuwa la xidhiidha nidaamka-dareemayaasha kasoo ay sabab u tahay xaaladda naxdinta leh ee ay soo mareen.