Ururka cuntada dunida ee FAO oo sheegay inuu kor u kacay qiimaha cuntada ee dunida bishan

Geneva(Horn Future)-Waxa dunida kor kacay qiimaha cuntada bishan June sababo la xidhiidha qiimaha qamadida iyo hilibka oo sare u kacay sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ee (FAO) maanta ooa Khamiis ah.

Qiimaha cuntada ayaa waxa isku celcelis ahaan uu kor u kacay 175.2 dhibcood bishan June,taas oo uu kor u kacay ilaa 1.4% marka la barbardhigo bishii May iyo 7% marka la barbardhigo isla muddadaa ee sanadkii la soo dhaafay, sida laga soo xigtay ururkan.

Waxa qiimaha firida ama midhaha xabuubku sida qamadida uu kor u kacay 4.2% bishan marka la barbar dhigo bishii May ee lasoo dhaafay, sababo la xidhiidha sare u-kaca qiimaha qamadida protein-ka leh kadib markii uu xumaaday dalagga Mareykanka,sida uu sheegay ururkan.

Taas kasoo horjeedkeega waxa hoos u dhacay ku yimiday qiimaha arabishida/gallayda marka la barbardhigo Koonfurta America.

Waxa sido kale kordhay qiimaha hilibka, caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyo oonta xoolaha ilaa 1.8% iyo 8.3 bishan June.

Waxa kale oo kordhay qiimaha saliidda cuntada ilaa 3.9% bishan June marka la barbardhigo May halka qiimaha sonkortu uu hoos u dhacay 13.4% isla muddadaas.

Dhanka kale,ururka FAO ayaa sidoo kale daaha ka fayday in 2017 saadaasha suuqa firida ama midhaha xabuubka la filayo inuu kor u kac cusub ku yimaado kaas oo ah ku dhawaad 704 malyuun tan keydka midhahan.