Sanadguurihii 6aad ee madaxbanaanida Koonfurta Sudan oo kusoo beegmay dagaal sokeeye

Juba(Horn Future)-Koonfurta Sudan ayaa waxa ay gashay sanad guurihii 6aad ee kasoo wareegay markii ay ka go’day Sudan inteeda kale, taas oo dadku in ka badan 98% ay u codeeyeen inay doortaan goosashada aftidii ka dhacay dalkaasi horraantii 2011.

Waxa dhaqan galiyay natiitajad afditadan xisbiga hoggaanka talada haya ee uu hogaamiyo Cumar al-Bashir iyo hogaamiyihii jabhadda Koonfurta Sudan ee geeriyooday John Garang, halkaas oo lagu gaadhay xal siyaasadeed oo soo gabogabeeyay 30 sanadood oo dagaal sokeeye ah oo ka socday dalka Sudan.

Waxa uu kusoo beegmayaa xuska sanad guurada 6aad ee madaxbanaanidu xilli dalkan curdinka ah uu ku nool yahay sanadkii 4aad dagaalkii sokeeye oo aad u ba’an kaas oo bilowday bishii December 2013 kadib markii uu dhexmaray muran siyaasadeed hogaamiye Salva Kiir iyo ku-xigeenkiisii hore uu Riek Machar.

Waxa is-diidada labadan hogaamiye ay sababtay iska hor’imaad dhexmara labada qabiil ee Dinka ah iyo Nuer ee ay kasoo kala jeedaan,taas oo keentay colaad lagu dilay tobanaan kun oo qof iyo barakaca 3.5 malyuun oo qof oo rayid ah.

Waxa dagaaladan ay horseedeen dalku in uu kala qaybsamo hab kusalaysan beeleeysi marka lagu daro kor u kaca sicir barar xooga leh iyo in meelo ka mid ah dalka ay muquurteen abaaro ba’an oo aad u baahsan, taasoo abuurtay dhibaatada ugu weyn ee qaxootiga Afrika tan iyo xasuuqa Ruwanda ee sanadkii 1994.

Hogaamiyayaashan ku hirdamaya dalkan ayaa waxa ay ku eedeeysay warbixin uu faafiyay urur fadhigiisu yahay Maraykanka in ay ku lug leeyihiin musuqmaasaq aad u baahsan kaasoo lagu soo bandhigay hanti aad u farabadan oo ay ka dhaceen dalkan sabool ka ah iyaka iyo qoysaskoogu taasoo ay ku leeyihiin dalal shisheeye ah.

Inkaste oo Maraykanka,Yuhuuda iyo reer Galbeedka ay ku guulaysteen dagaalka adag ee ay u galeen sidii Koonfurta Sudan looga goyn lahaa Sudan inteeda kale,ayaa dhanka kale waxay ku guul-daraysteen inay joojiyaan dagaaladda sokeeye ee lagu xasuuqay kumanaanka qof ee rayid ah.