Raysal wasaaraha Pakistan oo furay warshadii shanaad ee tamarta nuclear ka laga dhaliyo

Islamabad (Horn Future)-Raysal wasaaraha Pakistan Shaahid Khaqaan Cabbaasi ayaa ka furay dalka warshadii shanaad ee tamarta nuclear ka laga dhaliyo oo dhismeheega ay iska kaashadeen China,iyado oo ay rajo ka qabto Pakistan in lasoo gabogabeeyo go’itaanka kooraanka ee joogtada ah sanadka socda sida ay sheegtay warbaahinta gudaha iyo tan caalamka.

Pakistan oo ah mid kamid ah dalalka soo koraya ayaa waxay wali u guclaynaysaa inay hore-umariso tamarta farsamada (atomic) ga ee nuclear ka laga dhaliyo marka la eego masiibadii nuclear ka ee ka dhacday Fukushima ee sannadkii 2011 si ay isku daydo inay kabto baahida kooraanka ee gaadha 7,000 oo (megawatt) xilliga heerkulaylku aadka u sareeyo xagaaga, ama 32% baahida guud ee dalka.

Warshad (Chashma-4 reactor) oo awooda kooraan ee ay dhalinayso ay tahay (340 megawatts),ayaa waxay ku taala qiyaastii 250 kilomitir meel ka xigta koonfur galbeed ee caasimadda Islamabad,waana tii 4aa ee lagu dhiso wadashaqeyn dhexmarta Guddiga Tamarta ee (Atomic Energy Commission of Pakistan) iyo (China National Nuclear Corporation).

Raysal wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif ayaa furay warshada 4aad ee laga dhaliyo tamarta nuclear ka bishii December ee la soo dhaafay,ka hor intii aanan xilka laga qaadin kadib markii lagu eedeeyay musuq-maasaq.

Cabbaasi ayaa waxa uu xaqiijiyay intii lagu guda jiray xafladda furitaanka in dawladdu ay dajisay mudnaanta ugu sareeysa si ay baabi’iso rarka culaysiyay kooraanka,taasoo uu sheegay in la meel dhigay muddada kama dambaysta ah bishii November ee soo socota,isaga oo intaa ku daray in mashaariic lagu abuurayo 10 kun oo (megawatts) la dhamaystiri doono dhismahooga bisha June.

Waaxda tamarta ee Pakistan ayaa waxay la kulantaa muddo sanado ah dhibaatooyin si ay u bixiso adeega baahida tamarta ee bulshada dalka ku nool oo tiradooda lagu qiyaasay 200 malyuun oo qof,waxana Nawaz Sharif uu hore ugu ballan-qaaday in la xaliyo dhibaatadan dhamaadka sanadka 2018.

Taas kasoo horjeedka waxa kordhay maal-gashiga China ku sameeyso Pakistan oo ah dalka ay dariska yihiin ee Asia oo lagu qiyaasay qiimaha guud ee ku kacaya ( $ 46 billion) milyaar oo dollar,taas oo u guclaynaysa inay isku xidho gobolka Xinjiang ee galbeed fog iyo dekedda Gwadar ee dalka Pakistan iyada oo loo marayo mashaariic horumarineed oo taxana ah sida kaabayaasha, tamarta iyo gaadiidka.