Qaramada Midoobay oo sheegtay in laga cabsi qabo in 20 qof ay ku dhinteen Mediterranean ka

GENEVA-Waaxda u qaabilsan arrimaha qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay maanta oo Salaasa ah in laga cabsi qabo Ilaa 20 nin,haween iyo carruur inay ku dhinteen badda Mediterranean ka.

UNHCR ayaa sheegtay in inkasta oo 500 oo qof laga soo badbaadiyay badda u dhaxaysa Libya iyo Italy todobaadkii lasoo dhaafay,in dhimashada ugu dambeeysay ay ka dhigtay tirada 95 qof dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Qaramada Midoobay xog ay kasoo ururisay Italy ayaa waxa ay sheegtay in dadkan badbaaday ay ku qaadeen 4 doonyood oo caag ah urur aanan dowli ahayn iyo markab ganacsi.

Dadkan dhintay ayaa loo maleeynayaa in ay ka soo jeedaan dalalka Nigeria, Ivory Coast iyo Bangladesh sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Waxa warkan qoraalka ah lagu sheegay in ilaa imika la hayo maydadka qof oo kamid ah dadka ku dhintay badda.

Ururka UNHCR ayaa waxa uu intaa ku daray in dhacdadan ugu dambeeysay lagu qiyaasay in ka badan 1,350 oo qof ilaa imika la la’yahay ama ay ku dhinteen Badda Mediterranean ka.