Maxkamadda Yurub oo go’aamisay maanta mamnuucida xidhashada indho-shareerka

Brussels(AFP)-Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Bini’aadanka ayaa maanta oo Salaasa ah go’aamisay in la mamnuuco xidhashada indho-shareerka/niqaabka ee goobaha dadweynahu isku gu yimaado.

Waxa go’aankan laga soo saaray sannadkii 2011 dalka Belgium,waxana ay ku tilmaamtay in loo tixgalinayo inay u tahay “lagama maarmaan bulsho dimuqraadi ah”.

Garsoorayaasha maxkamaddan ayaa u arka mamnuuciddan”ujeedada laga lee yahay inay tahay si loo hubiyo shuruudaha wada noolaansha oo ah mid kamid ah waxyaalaha aasaaska ah ee ilaalinaya xuquuqda iyo xurriyaadka dadka kale iyo inuu u noqon karo “lagama maarmaan bulsho dimuqraadi ah”.