Maraykanka oo dib u dhigay go’aanka ku saabsan in la qaado cunaqabataynta Sudan

Khartoum(Horn Future)-Wasaaradda arrimaha dibada ee Maraykanka ayaa sheegtay in Maraykanka uu dib u dhigay go’aanka ku saabsan in si kamadamabys ah looga qaado cunaqabataynta saaran dalka Sudan.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa waxa uu qaaday cunaqabateyntan muddo 6 bilood ah bishii January,taas oo keentay in la joojiyo mamnuucista saaran ganacsiga iyo in la sii daayo hantida xaniban iyo sido kale in meesha laga ka saaro cunaqabataynta dhaqaale.

Waxa la filayay in madaxweynaha imika Donald Trump uu soo saaro maanta go’aan ku saabsan in cunaqabateyntan si joogta ah loo laalo iyo inkale.

Mareykanka ayaa waxa uu sheegay bishii June inuu “si xoog leh” ugu welwelsan yahay waxa uu ku tilmaamay diiwaanka Sudan ee xuquuqda bini’aadanka.

Dhanka kale Sudan ayaa sheegtay Salaasadii shalay inay ka jawaabtay dhamaan codsiyadii Maraykanka si loo qaado cunaqabatayn uu ku soo rogay muddo 20 sanadood ka hor,taas oo noqotay mid ku gudban dhaqaalaha dalka.

Sida warbaahinta caalamku ay sheegtay maamulka Maraykanku war qoraal ah oo uu soo saaray ayaa waxa lagu qiray in Sudan ay sameeysay “hore-umar la taaban karo oo muhiim ah meelo badan,” laakiinse dhanka kale lagu sheegay inay u baahan tahay 3 bilood oo dheeraad ah si loo hubiyo in Sudan si buuxda ay ula dhaqantay cabsida Washington.

Sudan ayaa waxa ay u guclaynaysaa inay dib-u-gasho nidaamka baananka caalamiga ah iyo inay u furto dalka ganacsiga iyo maal-gashiga shisheeye oo si xoog leh ay ugu baahan tahay inay ka caawiso xakamaynta sicir bararka xadhkaha goostay oo gaadhay ku dhawaad 35% iyo sidoo kale yaraanshaha lacagaha shisheeye oo ku gudban awooddeeda inay wax kasoo iibsato dibadda.

Maraykanka ayaa waxa uu hore ugu shaambadeeyay dalka Sudan inay taageerto waxa loogu yeedho argagixisada arrintan oo noqotay hub lagu curyaamiyo dalalka diidan siyaasadaha Maraykanka marka lagu daro in kaligood-taliayaasha dunidu iyo dalal kale ay u adeegsadaan si loogu cabudhiyo dadka diidan siyaasadahooga guracan.

Dhinaca kale cunaqabatayntan Maraykanku ku hayo dalka Sudan mudadda 20 sanaddood ayaa waxa ay saameeyn aad u ba’an ku yeelatay nolosha bulshada caadiga ah,iyada oo waxyeello aad u ba’an u gaysatay waaxaha ay ku tiirsan tahay nolosha aasaasiga ah sida goobaha daryeelka caafimaadka iyo kaabayaasha u ah aasaasiga nolosha dadwaynaha.