Kuuriyada Waqooyi oo ugu hanjabtay Maraykanka xanuun aynan hore u arag

SEOUL(Horn Future)-Kuuriyada Waqooyi ayaa ugu hanjabtay Maraykanka inay gaadhsiin doonto “xanuunka ugu weyn”,digniintan oo kusoo beegmaysa ka hor codka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee (UNSC) ku saarayo cunuqabataynta Pyongyang sababo la xidhiidha tijaabadii ugu dambeysay ee nuclear ka ee ay sameeysay.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa waxa uu tilmaamay in dadkiisa ay horey u qaadeen rarka culayksa cunaqabateynta,isaga oo ku amaanay inuu u xaqiijinayo guushii tijaabada nuclear ka ee bishan oo ku kacday “qiimaha dhiigooda”sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Pyongyang warbixin ay soo saartay oo wakaaladda wararka ee KCNA laga faafiyay,ayaa waxay kaga digtay Kuuriyada Waqooyi inay kaga jawaabi doonto tallaabooyin ciqaab ah oo dheeraad ah iyada oo ku sababaysa Maraykanku “xanuunka ugu weyn iyo dhibaatada waligii uunan la kulmin taariikhdii soo martay oo dhan,”.