Khudaarta India oo si qarsoodi ah loogu buufiyo kimiko waxyeello u gaysata kalyaha+ daawo

Delhi(Horn Future)-Qaar kamid ah dadka ka ganacsada khudaarta iyo beeralayda India oo muuqaalkan video ga ah kasoo muuqday ayaa waxa ay ka sheekaynayaan sida khudaartan ay ugu buufiyaan ama ugu muddaan kimikada iyo halka ay kasoo iibsadaan kimikadan iyada oo ay tilmaameen ujeedada ay ka leeyihiin inay tahay si qaradeedu ay u waynaato ama ay ugu eekeesiiyaan mid daray ah ama cusub.

Waxa sido kale dadkani ay adeegsadaan kimiko buddo ah si ugu dhalan-rogaan khudaartan ay u iib geeyaan suuqyada,waxana ay sheegayaan in howshan ay ku guda jiraan muddo 8 sano ah sida ka muuqata video gan.

Waxa muddo ku dhow bil ka hor ah aan ku faafinay website kan Hornfuture arrinta la xidhiidha bariiska ka sameeysan caagga oo loo dhoofiyo dalal kamid ah dunida gaar ahaan qaarada Afrika,kaas oo qoysas badan ay quudan jireen in muddo ah,waxana maqaalkaas ku baraarugay dad tiro badan oo Soomaali ah oo badhkood soo bandhigay golayaasha bulshadu ku xidhiidho gaar ahaan Facebook ga bariiskan caaga ka sameeysan.

Halkan ka daawo sida loo fasamaynayo khudaartan oo laga yaabo inay quutaan dadka geeska Afrika ka tagay ee u taga India waxbarasho ama arrimo kale, gaar ahaan Soomaalida,iyada oo la ogyahay in India ay kamid tahay dalalka lagu yaqaano waxyaabaha la dhalan-roggo ama la dooriyo…

Farmers inject veggies with oxytocin to make them bigger

Next time you reach for the freshest looking vegetable, think what may have been added to it 💉 🍎

Posted by In the NOW on Saturday, June 17, 2017