In ka badan 60 kun oo caruur ah oo aynan cidi wehelin oo magangalyo u yimiday dalka Italy

Rome (Horn Future)-Daraasad gorfayn ah oo goobaha laga fuliyay oo uu sameeyay ururka “Save the Children” ayaa daaha ka fayday in tirada caruurta aanan qaan gaadhin ee aynan wehelin dad waaweyn ee magangalayada u yimiday Italy iyaka oo kasoo gudbay badda medditterrean ka ay kor u dhaaftay 60 kun 5tii sanadood ee lasoo dhaafay.

Ururka ayaa waxa uu tilmaamay in tiradani ay daaha ka fayday in 5 goor ay labanlaabtay tirada caruurta aanan qaan gaadhin ee qaxootiga, kuwaas oo soo maray hilin halis ah si ay usoo gaadhaan xeebaha Italy intii u dhexeeysay sanadihii 2011 iyo 2016.

Waxa uu sheegay ururka “Save the Children” in qaybo badan oo kamid ah dhallinyaradan yaryar oo raadco ugu jirto inay helaan gabaad inay yimaadeen dalalka Eritrea, Masar, Gambia, Somalia, Nigeria iyo Syria.

Ururka waxa uu faahfaahin ka bixiyay in xaaladdan ay ka turjumayso isbadilka ifafaale muddo socday oo ah xaalado gaar oo isku badilay dhibaato dhisme oo noqotay wax caadi ah.

Waxa sido kale ururka intaa ku daray in tirakoobyadani ay muujinayaan heerka sii kordhaya ee dhalinyarada aanan qaan gaadhin ee Italy ee kamid ah qaxootiga,halkaas oo ay noqotay kooxdani mid la kulmaysa halisaha sii kordhaya,taas oo ah lix-meelood meel tirada guud ee qaxootiga.

Wakiilka ururka “Save the Children” ee Italy Rafaela Milano ayaa sheegtay in tirada ugu badan ee caruurtan aanan qaan gaadhin ee qaxootiga ee aynan wehelin dad waaweyn ay yihiin wiilal.

Milano ayaa waxay faahfaahin ka bixisay in tani ay ka dhigayso dhalinyarada kuwo aad ugu nugul dhinacyada kala duwan ee kooxaha dhiig-miiratadda ah iyo inay ku dhacaan gacmaha kooxaha qawlaysatada ah ee ka ganacsada tahriibinta bini’aadanka.

Waxa ay intaa ku dartay gadhaha dhallinyarada ah ee aadka u yaryar, gaar ahaan kuwa ka imanaya Eritrea iyo Nigeria inay yihiin kooxda tiradoodu ay kordhayso ee aanan qaan gaadhin ee qaxootiga ah,  oo halis dheeraad ah ugu jira inay kala kulmaan labka inta lagu guda jiro socdaalka magangalyo doonka kuwaas oo intooda badan ula kulmay xadgudubyo siyaabo kala duwan.

Falanqaynta sababaha ay uga tageen cauurtan qaxootiga ah ee aanan ahayn qaan gaadhka dalalkooga,ee halista u galinya nafahooga inay ku qaraqmaan biyaha baddaha ama ay ugu dhintaan harraad iyo gaajo daraadeed lamadegaanka Afrika,ayaa lagu arkay daraasadda “Save the Children” inay kala duwan yihiin sababahani,iyada tan ugu horeeysa ay tahay gaajada,halka tan labaad lagu tilmaamay  dulmiga askariga kaligii taliska ah ee Eritrea oo ay kasoo firxadeen, ama ay kasoo firxadeen xaaladda dhaqaale ee ka sii daraysaa ee Masar, ama saboolnimada iyo cudurrada ka dillaaca Nigeria, “.