Argagixisada xuutiyiinta oo manhajka waxbarashada Yemen u badilay mid shiica ah

Ma’rib-Saraakiisha maamulka deegaanka gobolka Ma’rib ayaa la wareegay buugaanta manhajka dugsiyada oo lagu soo daabacay magaalada Sanca si loo xakameeyo ” fikradaha madhabka ku saleeysan ee dibada laga keenay”,sida ay sheegtay warbaahinta gudaha iyo tan gobolka.

Manaahijtan cusub ee lala wareegay ayaa waxa lagu gubay gobolladda ay awoodda ku leedahay xukuumadda Yemen ee uu hogaamiya Cabdi-rabo Mansuur Haadi.

Agaasimaha xafiiska waxbarashada ee Ma’rib Cali Al-caabab oo warbaahintu soo xigtay ayaa sheegay in argagixisada shiicada xuutiyiintu ay ku faafiyeen buugaantan dugsiyada muuqaalka aasaasaha kooxdan ja riska xoorada ah, iyo fikrado waxyeello u leh diinta Islaamka,waxa sidoo kale ay ku badileen magaca Al-Faruuq Cumar bin al-Khattab, Maxmuud oo ah sheekooyinka ku qoran buugaanta qaar ka mid ah.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta Cabdallah Lamlas ayaa ku amray dhammaan maamulayaasha xafiisyada waxbarashada ee gobolladda jamhuuriyadda inay mamnuucaan qaybinta qaar ka mid ah buugaanta manaajka dugsiyada ee laga keenay laanta daabicida ee Sanca.

Sida laga soo xigtay wareegtadan la soo saaray ee arrintan la xidhiidha ayaa waxay ka hortaggaysaa “qaybinta kitaabka Quraanka Kariimka iyo tarbiyadda Islaamka ee fasalka aasaasiga ah iyo kitaabka maadada Quraanka Kariimka iyo tarbiyadda Islaamka dugsiga labaad,iyo waxbarashada bulshada ee aasaasiga ah ee buugga dugsiga saddexaad.”

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo agaasimayaasha xafiisyada waxbarashada inay gegooyinka usoo dhaadhacaan oo ay kasoo qaadaan dugsiyada si loo hubiyo in buugaagtan la dhalan-rogay aynan ugu dhex faafin ardayda.

Wasiirka oo ka hadlay shir-warbaahineed ayaa sheegay in shiicada xuutiyiintu ay isku dayeen inay baddilaan manhajka,laakiin way ku adkaatay, sannad ama laba sano,ka dibna waxa au si badheedh ah u iisticmaaleen habab fudud iyaga oo si fudud ugu daray boggag gaar ah, “taasoo macnaheedu yahay inay wax ka badileen aayad Qur’aanka kamid ah ama axaadiista Shariifka ah, tusaale ahaan,sida ay ku sameeyeen Suuradaha kala ah (A-shamsi iyo Al-nuur) , iyo inay xad-gudub u gaysteen Xaaskii nabiga (scw) Caa’isha oo ay ka saareen buugaanta, iyo sidoo kale magacyada saxaabada oo ay kamid yihiin Abu Bakar, Cumar iyo Cusman alaha ka raali ahaado.

Riyaad Al-giili oo ah aqoon yahan Yemeni ah ayaa tilmaamay baddilaada manhajka marxaladaha aasaasiga ah iyo dugsiga sare inay ahayd mid ka mid ah ujeeddooyinka ay damacsanaayeen ee ay u guclaynayeen shiicada xuutiyiinta markii afgambi ay ku kaceen ka 21 September 2014.

Waxa uu intaa ku daray in ay isku dayeen inay wax ka badilaan manhajka gobolkooga Sacda tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen sanadkii 2011,taas oo ujeedadeedu ay tahay in la baddilo aqoonsiga iyo diinta bulshada Yemen iyo dhaqanka dadka, gaar ahaan faca yaryar.”

Waxa sido kale Riyaad intaa uu raaciyay in badilaadan lagu saameeyay manhajka ay gaadhay buugaanta waxbarashada Islaamka, gaar ahaan habka Salaadda iyo wayso qaadashada taas oo ay waafajiyeen madhabkooga Al-haadawii al- Jaruudi oo ah madhab uu ka tarmo faafinta madhabka loo yaqaano 12aad ka ee Iran laga aaminsan yahay.

Waxa uu tilmaamay aqoon yahan kan in argagixisada shiicada xuutiyiintu ay is badheedh ah u baddileen magacyada saxaabbada ee ku qoran manhajka dugsiyadda, sida Faruuq Cumar bin al-Khattab Abu Bakar ,Cusmaan iyo umul Mu’miniin Caa’isha,iyaka oo u badilay magacyada ku haboon dhaqankooda ee laga keenay Iran.

Waxa sidoo kale uu tilmaamay in uu jiro jid kale oo loogu talagalay carruurta yaryar ee inta badan ardayda dugsiyada ah ee ay da’doodu u dhaxeeyso 5 ilaa 10 jir, iyada oo lagu soo rogayo manhaj ay la socdaan,taas oo ah sheekooyin la damacsan yahay in lagu abuuro nafahooga caruurtan fikradaha ah shiicada ah ee firaqada loo yaqaano 12aadka.

Dhiniciisa, Cabdul-baaqi Shamsaan oo ah bare ka dhiga aqoonta siyaasadda Jaamacadda Sanca ayaa sheegay argagixisada shiicada xuutiyiintu in bilowgii aasaaskooga ay si badheedh ah u abuureen buugaan barbar socota kuwa si rasmiga ah kuwaas oo uu soo diyaariyay aasaasihii kooxdan jar-iska xoorada ah Xussein al-Xuuti kuwaas oo la baro caruurta iyo dhalinyarada deegaankooga tan iyo 1990.