Al-Bashiir oo maanta oo Salaasa ah ku eedeeyay dilaaga Sisi in uu hubeeyo kooxaha macaaradka

Khartoum(Horn Future)-Madaxweynaha Sudan Cumar al-Bashiir ayaa maanta oo Salaasa ah ku eedeeyay dilaaga afgambiga ka gaystay dalka Masar Sisi in uu hubeeyo kooxaha macaaradka ee ka dagaalama gobolka dhibaatooyinku ka jiraan ee Daarfur.

Cumar Al-bashiir oo hadal u jeediyay saraakiisha hore ee ciidanka qalabka sida ayaa sheegay in ciidamada Sudan ay qabteen hub dalka Masar laga leeyahay intii ay socdeen dagaallo ku dhexmaray ciidanka iyo kooxaha macaaradka ah gobolka Daafurra Bari sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi.

Waxa sido kale al-Bashiir uu sheegay in ciidamada Sudaan ay qabteen gaadiid ay leeyihiin macaaradku oo ka yimiday Libya iyo Koonfurta Sudan.

Cumar Al-Bashiir oo dhacdadan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi”Waan jabinay,waxanan ka burburinay 59 gaadiid ciidan ah, laakiin nasiib-darro waxaan qabanay dibaabado iyo gaadiidka gaashaaman oo ay leedahay Masar kuwaas oo gacanta ugu jiray macaaradka hubaysan,”.

Waxa kor u kacay xiisadda u dhexeeysa dalka Sudan iyo taliska dilaaga Sisi hogaanka u hayo ee ka jira dalka Masar bilihii la soo dhaafay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sudan Ibrahim Ghandour ayaa ku eedeeyay ergayga u qaabilsan Qarmada Midoobay dilaaga Sisi in uu taageeray codsi ahaa in la kordhiyo cunaqabatayn caalamiga ah taas la dhaqan galiyay tan iyo sanadkii 2006.

Waxa eedeymahan ay yimaadeen ka dib markii wasiirka difaaca Sudan uu ku eedeeyay ciidamada daacada u ah dilaaga Sisi ee Masar inay “Daandaasi” ku hayaan ciidanka Sudan ee ku sugan degaanka lagu maransan yahay ee sadex-geesoodka Xalaayib ee ku yaalla soohdinta u dhexeeysa labada dal.

Warbaahinta taageerta dilaaga Sisi ayaa waxa ay si xoog leh u dhaleeceeyeen booqashadii Cumar al-Bashiir uu dhawaan ku tagay Ethiopia,taas oo salka ku haysa in Sudan iyo taliska Sisi aynan isku aragti ka ahayn dhismaha taliska Ethiopia uu ka wado biyo-xidheenka wabiga Nile kaas loogu magac daray dib-u curashada.

Colaada ka jirta gobolka Daarfur ayaa waxa ay u dhexeeyaan xukuumadda Sudan iyo 3 ururo oo macaarad ah taas oo socota tan iyo sanadkii 2003.

Waxa reer Galbeedku ay ku eedeeyeen Sudan in 300 oo kun oo qof lagu xasuuqay colaadan halka ku dhawaad 2.5 malyuun ay ku barakaceen,taas oo marmarsiiyo ay uga dhigteen inay ku shaambadeeyaan in uu galay dambiyo dagaal, tallaabo ay ka muuqato laba-wajiilanimada qaawan ee reer Galbeedka marka loo eego dilaaga Asad ee ay u oggollaadeen inuu ku xasuuqo nus malyuun hubka nuuyadiisa kale duwan oo ku jiro kan kimikadu.

Laakiin dhineceega xukuumadda Sudan ayaa ku doodaysa in tirada dadka ku dhintay colaadan aynan ka badnayn 10 kun oo qof.