Taageerada general Zakariye ee Geelle iyo dhaarta ciidamadu waa halis dalka u horseedaysa dagaal sokeeye iyo burbur

Dhaartii isadaba jooga ahayd ee sida darandooriga u dhacaysay ee general Zakariye uu ku dhaariyay ciidamadu in ay difaacaan Geelle,dhawaqiisii sida onkodka u reemayay iyo qiiradii laga dheehanayay wajigiisa markii uu hadlayay intuba waxa ay dhagafaar iyo dhago-xayraan ku rideen bulshada reer Djibouti,oo waxan kasoo yeedhay duqa anfariir iyo dhabana hays ay kawada qaadeen,walee xaalad aanan la mahadinin ayay hadaladan Zakariye horseedayaan hadii aynan dhicin mucjiso lagu xakameeyo,inkastoo samankii mucjisada uu dhamaaday.

Shiki kuma jiro in aragtidii ay ka qabeen bulshada reer Djibouti general Zakaraiya Sheekh Ibraahim  oo ah taliyaha guud ee ciidamada qaranka ay xoog u dhaawacantay kadib dhacdadii la yaabka lahayd ee ciidamada qaranka iyo qoysaskooga uu isku gu yeedhay si ay u taageeraan madaxwayne Geelle in uu mar 4aad uu isa soo sharaxo.Dhacdadan oo ahayd mid ay aad u layaabeen bulshada reer Djibouti waxa ay gabi ahaan badishay aragtidii ay ka qabeen. General Zakariya oo ah nin aad waayeel u ah kasakaw in uu gaadhay milaygii aayo maalka(retraite)ka  oo ah ayhayd in shaqada uu ka tago sida raggii lamidka ahaa ayay dadku aynan  garanayn sababtu ku haysa jagadan in uu sii joogu marka loo eego da’diisa. Sababta uu dooni ba ha ku jooga,arinkaa walaac kuma hayo bulshada, laakiinse waxa bulshadu wel wel wayn iyo cabsi ku haya sida uu u taageeray Geelle oo ah mid uu si dhaba u la saftay madaxwayne Geelle oo bulshada reer Djibouti ay u arkaan in uu yahay ninka masiibada dalka haleeshay ee meel walba saameysay masuulka ka ah. General Zakariye oo ah nin waayeel ah oo xil kas ah,ciidamada qarankana mudo dheer u shaqeeya oo ay u arkayeen nin lagu baqan karo marka ay xaaladu meel ba’an ay gaadho ayaa nasiib daro aynan dhicin tii ay ka filayeen.

Waxa sido kale mudooyinkan dambe dhagaha bulshada reer Djibouti ku batay oo ku cusub dhaarta ciidamada qaranka ee laga baahiyo televishanka kaliya ee uu maamulo madaxwayne Geelle iyada oo arinkani uu yahay mid ugub ah oo aanan hore u dhici jirin.Maaha dhaarta ciidamada la dhaariyo mid cusub laakiin waxa ku cusub bulshada in ciidamdada qaranku lagu dhaariyo in ay difaacaan Geelle iyada oo laga wada ogyahay ismari waaga ba’an ee siyaasadeed ee ka jira dalka. Dhanka kale dhaartani maaha mid caadi ah ee waa mid xambaarsan arimo ay aad ay ula yaabeen bulshadu halisteedana leh,oo laga weeciyay hadafkeegii saxda ahaa,waxana intaa dheer general Zakariya oo goob joob ka ahaa xili televishanka laga baahinayay oo waliba marar badan lagu celceliyay. Joogitaanka uu goob jooga ka ahaa Zakariya dhib malaha laakiin waxa u baahan in la is dul taago oo ay adagtahay in la dhaafo hadalada meesha uu ka jeediyay ee uu ku dardaaray ciidamadada qaranka iyo halista ba’an ee ay xambaarsan yihiin.

Hadaba bulshadu garatay in ciidamada lagu dhaariyo magaca eebe dartii in  dalka difaaciisa ay daacad u noqonayaan,wixii cadow ah ee soo weerara na ay dhulka,badda iyo cirka ba  ka difaacayaan.Laakiinse waxa ay bulshada reer Djibouti ay la yaabtay oo aanan si naba ugu cuntamin in ciidamada qaranka lagu dhaariyo in ay daacad u noqdaan madaxwayne Geelle iyada oo arinkani uu noqonayo in ciidamada qaranku ay isku badilaan kuwo gaashaan u ah taliska Geelle iyo qoyskiisa oo lagu xasuuqo ummada sida dalal badan ka jirta imika.
Sidaa daraadeed general Zakariye 2 arimood oo aad halis u ah ayuu ciidamada u horseeday hadii aanan wax laga qaban oo halkooga aanan lagu xakamaynin.

Qodobka 1aad ayaa waxa uu yahay in uu ciidamada qaranka uu ku dhaariyay in ay u hogaansamaan madaxwayne Geelle iyo qodob 2aad oo ahaa mid aad u halis badan oo uu ku sheegay in uu jiro cadow gudaha dalka jooga,laakiinse aynan bulshadu ogayn wax cadow ah oo dalka gudihiisa jooga.

Hadaba waxa is waydiintu tahay waxa weeye in ciidanku uu difaaco madaxwayne Geelle ma qodob distuuriya mise maaha,sida ay ogyihiin bulshada reer Djibouti lagama yaabo in uu jiro qoqob distuurka ku qoran oo sheegaya in ciidanku difaaco Geelle iyo qoyskiisa.
Bulshadu waxa ay aaminsan tahay ciidanka qaranku in uu yahay mid dhexdhexaad ah, ahna tiirka ugu muhiimsan ee u taagan difaaca qaranka iyo ummada laakiinse ay u arkaan hadalada Zakariye in ay salka ku hayaan in uu rabo in ciidamada uu i isticmaalo sidii uu ugu difaaco madaxwayne Geelle iyo qoyskiisa.

Dhaartan uu Zakariye ku dhaariyay ciidamada qaranka in ay u hogaansamaan madaxwayne Geelle waa baadil,wax ilaahay amrayna maaha, waana halis aad u wayn oo ciidamada qaranka u horseedaya in uu kala daato sabab too ah tani waxa ay keeni in shicibka ay isku dhacaan,arinkaayina maaha kii loo igmaday.

Arinka 2aad ee uu sheegay general Zakariye ayaa ahaa in uu jiro cadow dibada ah iyo mid gudaha jooga laakiinse ma uunan cadayn cadowgan gudaha cida uu yahay,arinkaasina waxa uu walaac wayn ku abuuray bulshada reer Djibouti oo u aragtay hadalkan mid uu ula jeediyay dadka diidan sida uu wax u maamul Geelle gaar ahaan macaaradka.Dadka reer Djibouti ma oga cadow gudaha dalka ku sugan ee waxa looga fadhiya general Zakariye in cadowgan uu sheegay cadeeyo hadii uu jiro iyo cida uu yahay, intaa ka horeysase waxa ay bulshadu u arki hadaladiisa kuwa uu si dadban uu ula jeeday dadka macaaradka ah ee diidan maamulka Geelle.

General Zakariye waxaan leehay nin waayeel ah ayaa tahay sumcadii aad ku lahayd bulshadana waxa uu dhawaac ba’ani soo gaadhay markii aad ciidmada qaranka u isticmaashay ololaha Geelle ee ah in mar 4aad dalka uu maamulo sababtoo ah dad badani kaama filayn falkan foosha xun ee aad ku dhaqaaqday. Waxa kale oo gaf iyo meel ka dhacyo aad u ba’an ahaa kadib markii  aad ciidamada qaranka aad ku dhaarisay in ay difaacaan Geelle, arinkaas oo ah mid kalsoonidii iyo amaanadii qaranka ee bulshadu ay ku gu qabtay dhulka galisay maadaama aad cadeysatay in aad difaacayso madaxwayne Geelle shakhsiyadiisa iyo qoyskiisa.

Waxa aan ku leehay ha noqon dadka Geelle uu ku tilmaamay in uu isagu sameeyay sida afkiisa laga hayo,oo isaga dartii ciidanka qaranka fool xumo ha u horseedin oo lugaha ha ugalin dhooqo uu ku riiqdo.

Hadaladan general Zakariye hadii aanan halkooga lagu xakamayn waa kuwo horseedaya dagaal sokeeye oo dalka ka dhaca sababtoo ah mansabkan uu hayo oo ah kii ugu sareeyay ciidamada ayuu u isticmaalay in madaxwayne Geelle uu ku difaaco isaga oo bulshada inteeda badana si dadban ugu  tilmaamay cadow dalka duulaan ku ah. Falkan general Zakariye ku kacay waa mid bilow u ah sababihii keeni lahaa isku dhac dalkan ka dhaca oo keena bur bur lagu hoobto.

Taageerada general Zakariye ee Geelle waa mid xadgudub aad u fool xun ku ah waana dulmi aad u wayn oo uu ka galay xuquuqdii bulshada reer Djibouti ay lahayd,sido kale waa go’aan dhagaraysan oo taariikhdu xusi doonto.

Waxa laga yaabaa in Maxamad Jaamac oo ah nika ku magacaaban in uu yahay madaxa ilaalada jamhuuriga ,laakiinse ilaalada ka haya xaaska Geelle, in uu Geelle difaaco oo uu dad badan u xasuuqo isaga daraadi, sababtoo ah waa ragga uu Geelle sheegay in uu sameeyay.Waa run in uu Geelle sameeyay Maxamad Jaamac sabab too ah isaga oon waxba ahayn ayuu wax ka dhigay,ma jirto kuliyad ciidan oo caalami ah oo uu kasoo, mana laha khibrad ciidan oo uu ku gaadho heerkan,kolkaa waa dow in uu difaaco Geelle ilaa uu ka dhimanayo. Waxa xusid mudan in Maxamad Jaamac uu ahaa ninkii aqalka madaxtooyada askartiii galaysay xerada jajabka ee ku taalay dooraleh ee ku naafowday dagaalkii sokeeye ee nasiib darada ahaa ee maamul xumada RPP ay sababtay  uu rasaas la dhacay nin kamida askartiina halkaa ku dilay rag badana dhaawac xun ugu gaysatay. Askartan dagaal aynan iyaku dooran ayuu talisku ku qasbay oo laxaad kooga ay ku beeleen laakiinse waa la ogyahay halka uu talisku dhigay iyo nolosha ay ku nool yihiin,sababta ay mudaharaadkaa u sameeyeena waxa ay ahayd in Geelle uu ka gooyay kooraankii yaraa ee ay ku shidanayeen qoysaskooga murawaxada iyo tiriiga.

Kolkaa ninka askartii ay isku midka ahaayeen ee dulmiga ka cabanaysay rasaas huwiyay walee qof rayid ah naxariis uuma galayo maalinta geelle shicibku aqalkiisa ku doonto ee taa nin walow ku bishaarayso,isaga waxa aan leehay Geelle waxaad doonto hadii aad sameyso walee shicibka reer Djibouti kama difaaci kartid ee shandada u qaad maalintaa sababtoo ah rag adigaa kaa aqoon badan kaana awood wayn ayaa difaaci kariwaayay madaxwaynayaal ka awood badnaa Geelle ciidamadooduna ay ahaayeen boqolaal kun.

Waxa xusid mudan oo ah taariikh dadka la xasuusiya ah, alaha u naxariistee marxuumkii Yasiin Yaabe markii uu ku kacay falkii afgambiga ahaa ee ay taageereen askar ay xigta ahaayeen, inkaste oo dadka badhkood ay wax yaabo kale ku sheegeen falkiisa,laakiinse qaamuuska siyaasada waxa uu sheegaya qof kasta oo isku daya in maamul uu xoog kula wareego,waa afgambi,maamulkan ma dimuqraadi ba mise waa kalitalis macangag ah sida kani Geell,waa mawduuc gooni ah. Hadaba sababtu maahayn in ay ku taageereen in uu xaq ku joogay iyo inkale ee waxa ay ahayd in marxuumku uu wax aynan ahayn uu ka dhigay,galoono aynan xaq u lahayn  ku taxay oo u eg galoonadii Cali Khayre alaha u naxariisto hadii u dhintay haduu nool yahayna alaha cafimaadka u siyaadiyo,way yaqaaniin inta badan dadka reer Djibouti. Maaha in aan wax kale uuga dan leehay marxuunkan laakiinse ujeedada aan ka leehay waxa weeye in taariikh dalkani leeyahay aan xasuusiyo Zakariye iyo bulshada,sababtoo ah maalinta oo hayd baryo Ramadaan waxa uu dalku qarka u gaadhay burbur,sababtuna waxay ahayd,in marxuunka rag ay qaraabo ahaayeen ugu dagaalamayeen ujeedo qabyaaladeed iyaka oo iska indho tiray cawaaqib xumada uu lahaa falkaa ay ku kaceen.

 

Kolay dadka badhkood waxa  laga yaabaa in ay yidhaahdeen dadkan galoonada lagu taxay xaqbay u lahaayeen oo waa muwaadiniin,waa run arinkaasi,laakiinse waa arin xaq ah oo baadil lagu doonayo,lama diidana in uu gaadho halka ugu sareysay qofka muwaadinka ah ee laakiinse sida uu ku helay xidigahan aad moodo sidii kuwii cirka oo kale ayaa ah cadaalad daro, qaraabo kiilnimo iyo qabyaalad qudhuntay sidaa daraadeed waxa laga yaabaa in dad badan oo isaga uuga soo horeeyay sanado fara badan adeega askarinimo ee qaranka in magac qabiil uu ku dulmiyo. In loo fahmin in marxuumku bahashan uu isagu kaligii isticmaali jiray ee maamulkii uu ka tirsanaa oo ah kan maanta jira ayaa sameeyay nidaamkan qabyaalada ku salaysan oo u suura galiyay ninkaste oo masuul ah meesha uu haysto in uu ka dhigto meel ay leeyihiin jilibkiisu,ummada inta badana ay dulmi aad u wayn  kala kulanto. Waxa uu noqday nidaam aad u ba’an oo ummadii isku midka ahayd ee sinayd kala qaybiyay, abuuray kala sareyn,cadaawad aad u ba’an ummada dhex dhigay,cadaalad daro,musuqmaasaq baahsan, nafaqo daro gaadhay ilaa heer hooyada iyo ilmuhu laftooda iyo saantu ay isku dhagto,sababay macaluul 80% in bulshadu ay bogga dhulka ku hayso gaajo daraadeed,ugu dambayn waa nidaam sababay in qoyska madaxwayne Geelle iyo inta yar ee ku hareeraysan ay hantida dalka ay ka boobeen ay gaadhay saqafka sammada oo aanan la suuraysan karin,halka bulshada intii u badnayd ay macaluulayaan, gaajo daraadeedna ay bogga dhulka ku hayaan,iyada oo nafaqa daro daraadeed ay saanta iyo laftu  isku dhagtay. Maamulka RPP nidaamka uu dalka u jideeyay mudada 39 sano ku dhow waa nidaam aad u qudhmuun oo urtiisa sanka la iska qabto,waa nidaam aad u qudhmay oo lagu matago,waa nidaam aad u foolxun oo aanan la arki karin,waa nidaam hadii aanan la badilin ugu dambeyn dalka u horseedaya bur bur iyo halaag sida taariikhdu qoryso.Waa nidaam salkiisu ku dhisan yahay qabyaalad taana waxa daliil u ah dhacdadii u dambeysay ee aadka u foosha xumayd ee ka dhacday xaafada Xayaableey  ee degmada Balbala 10-11 bishan aan kujirno oo dadkii dabka kala qaadanayay ay jilib jilib isku laayeen,waa saansaantii dagaalka sokeeye ee laga dhaxlay labada talis ee kala dambeeyay.

Sidaa daraadeed in askartani ay u dagaalamaan marxuum Yaasiin Yaabe ilaa xaga ugu dambaysa waa dow,sido kale in Maxamad Jaamac uu Geelle u dagaalami doono shiki kuma jiro sababtoo Geelle ayaa wax ka dhigay waxana uu aaminsan yahay in ina adeerkii uu siiyay fursad qaaliga oo waligii uunan heleen hadii cadaaladi ay jiri lahayd ,waxana hubaal ah in Geelle daraadii uu u xasuuqi doono bulshada reer Djibouti.

General Zakariye waxaan xasuusinayaa in alaha u naxariiistee Mamaxad Siyaad Barreh oo aad adigu cid walba ka ogtahay awoodii uu lahaa laakiinse markii dambe uu noqday  nin Mareexaan ah. Hadaba maalinta adiga iyo Maxamad Jaamac ciidan aad wadatiin rasaas ay ku ridaan bulshada uu ku dhinto qof rayid ah ogaada in aan noqon doontiin rag reer hebel ah sababtoo ah waxa loo arki in aan qabiil ku difaacaysiin madaxwayne Geelle,tanina waa sababtii burburisay Soomaaliya,hamoodina wax kale in ay burburiyeen dalkaa walaalaha aan nahay.

Sidaa daraadeed waxa aan ku leehay waxa aad mansabkan ugu sareeya aad ku joogtaa waa magac dowladeed oo lagugu ixtiraamaya laakiinse xaaladu hadii ay gaadho tii Soomaaliya aad bay u dhib yar tahay in aad noqoto nin reer hebel kasoo jeedaa. Waxa sido kale madaxwayne Geelle uu madaxwayne ku yahay inta ay ummadu dowladnimada u hogaasan tahay sababtoo ah shicibku isaga ayaa dowlad ah laakiinse hadii uu ka baxo heshiiska dowladnimo way dhib yar tahay in Geelle uu noqdo nin caadi ah oo kasoo jeeda jilib kamid ah jilibada kale.

Waxa uu general Zakariye uu aad ugu celceliyay dhibaatooyinka ka socda degmada waxa kale oo caadaystay in ay ka hadlaan dhibaatooyinka degmada ka jira oo ku cabsi galiya bulshada kuwa taageera maamulka. Zakariye iyo raggan kale ba waxa aan leehay waxa dalalkan burburiyay maaha in ay ilaahay dambi gaar ah ka galeen ee waxa weeye dulmi iyo cadalaad daro ay dhexdooda isku  sameeyeen iyo qabyaalad xadhkaha goosatay oo shamiis dowladeed inta loosoo xidhay dadka lagu dulmi jiray sida imika ka jirta Djibouti. Sidaa daraadeed sababihii dalalkaa burburka u keenay waxa ay ka jiraan maanta Djibouti oo waxa uu ugu horeysa waa cadaalad daro iyo qabyaalad xadkaha goosatay oo shamiis dowlada loosoo xidhay. Waa mid ummada lagu dulmo oo dadka badhkood lagu xidh xidhay dabadeedna xabsiga lagu dilay,kuwa kalena lagu musaafuriyay,halka badh kale na lagaga qaaday jinsiyadahooga ,waxana sameeyay taliska aad kamidka tihiin, ee iska ilooba in aad ku cabsi galisiin bulshada arimahan raqiiska ah ee qiimaha beelay. Ninka ummadan iyo dalkan in uun rajjo ka qabow ee ugu horeeyo general Zakariye waxaan leehay dalku maanta sababihii uu ku burburi lahaa oo dhan way jiraan  waxana ugu horeeya waxa weeye cadaalad daro,qabyaalada  xadkaha goosatay iyo in lagu dulmo ummada shamiis dowladeed oo lasoo xidho,la soco Zakariye iyo ragga lamidka ahow waa sababahan kuwii Soomaaliya burburiyay.Kolkaa marka uu Geelle awood dowladeed kusoo gabanayo, ee uu ,nin uu xidho oo uu ku dhex dilo xabsiga,midna uu shaqada ka eryo,midna uu jinsiyada inta uu ka qaado dalka ka musaafuriso,midna  uu u xoog sheegto oo maalkiisa uu la wareego dibadana uu maxkamad kaga furo oo uu ku bixiyo boqolaal malyuun oo dadkii lahaa ay ka gaajoonayaan,dalkiina uu ka dhigtay dhaxal awoowgii ka hadhay oo qoyskiisa u xidhan,walee waxaad sugtiba waa in Haramous loogu yimaado,sabab too ah nidaamkii dowliga ahaa isaga ayaa  burburiyay markii arinkiisii uu isku badilay aargoosi dad gaar ah uu ku hayo,waxana arinkaa ina baraya wixii taariikhda laga dhaxlay ee dalkan iy0 ummadan uu gaajaysiisay in uunan u horseedin burbur iyo halaag ka dhaca ee inta arini meel laga soo qabto ay leedahay adiga ayaa waayeel ah e ee Geelle iyo qoyskiisa dhaafi ummada iyo dalka ba si uu badbaado oo dal Djibouti la yidhaahdo uu usii jiro.

Waxaad ogtahay halka ay ku dambeeyeen ciidamadii qaranka ee Somalia kadib markii loo isticmaalay in ay difaacaan talis iyo shakhsi,waxana laga dharagsan yahay oo adiguna aad ogtahay halkii ay ku dambeeyeen oo ahayd in ay ku milmeen bulshadii Soomaaliyeed. Sabab too ah hadii ciidanka qaranka laga horgeeyo shicibka iyaka oo loo isticmaalayo in ay difaacaan 1 shakhsi oo ah Geelle iyo qoyskiisa in ciidamadu ay kala fur furi doonaan sidii kuwii Somalia maxaa yeelay ciidamada kama iman xidigta Maars ee waa kuwo bulshada kamid ah kolkaa ogow Zakariyow in uu ninna uunan ogolanaynin in qof xigtadiisa lagu hor dilo.

Ugu dambeyn waxa aan kusoo gunaanadi hadalkeyga oo aan leehay Zakariye kasakow gafafkaa aadka u fool xun ee aad ka gashay dalka iyo bulshada ba in aynan noqon gafafkani kuwo aad kusii socoto,sabab too ah gafka waa la galaa laakiin waxa ugu daran gafka lagu adkayso ee aanan laga waantoobin. Waxaan ku leehay maalinta ay timaado in shicibka reer Djibouti ay u dhaqaaqaan xagaa iyo Haramous si ay u ridaan madaxwayne Geelle ha u isticmaalin ciidamada qaranka in aad ku difaacdo Geelle iyo qoyskiisa oo haka horkeenin ummada.

Ilaahay bay awood oo dhani ay u sugnaatay laakiin maanta waxa la yidhi dalka 2da nin ee awood ay wax ugu sheegaan Geelle lihi waa general Zakariye iyo Xassan Siciid oo ah masuulka qaabilsan sirdoonka dalka. Waxa la ogyahay in general Zakariye awoodiisa uu muujiyay markii xaaska madaxwayne Geelle ay damacday nika Maxamad Jaamac ee iyada gaadhka ka haya  ay ku badisho nin ay qaraabo yihiin iyada,waxana la sheegay in go’aankaa ay qaadatay isagu ahaa nikii ka horyimiday,sababtoo ah iyada ayaa dalka si cad u maamusho waana go’aankii kaliya ahaa ee ka socon waayay xageega,kolkaa Zakariye waxaan leehay go’aankii shalay aad ku badbaadisay Maxamad Jaamac ujeedadii dooni ha ka dambeyso maanta ayuu dalku kaaga baahan yahay.

Sidaa daraadeed dalkan taladiisii waxa ay ku ururtay madaxwayne Geelle iyo xaaskiisa,gaar ahaan xaskiisa oo iyadu dalka u maamusho sidii Ben Cali gii Tunisia xaaskiisa Layla Trablusi,waxana ay gaadhsiiyeen dalka heer ah in uu maanta dalku ka laalaado qaw,waxana uu u baahan yahay cidii kasoo qaban lahayd inta uunan ka shalwan qawgan.Kolkaa general Zakariye waxaan leehay awoodii shalay aad kaga badbaadisay Maxamad Jaamac in ay xaaska madaxwayne Geelle ay ku badisho ina adeerkeed waxa lagaaga fadhiyaa maanta oo dalku u baahan yahay in aad ka badbaadiso Geelle iyo xaaskiisa oo dalka u horseeday wax kaste oo keenaya dagaal sokeeye iyo bur bur, inta ay xeedho iyo fandhaal kala dhicin,ama talo meel laga qabto ay joogto.

Aniga iyo in badan oo ila mid ah ma jecla dalkan in uu bur buro laakiinse waxa qasab nagu ah aniga iyo inta jecel dalka iyo dadku inay joogaan oo ay jiraan in ay ka hadlaan halista ab’an ee uu ku sugan yahay dalku oo u baahan in uu ka hadlo nin kaste oo dalkan iyo ummada rajjo ka qaba.

Anigu aragti ahaan waxa aan aaminsanahay in  Zakariye lamid mid  uun aad noqon doonto oo  mid 3aad aanad noqon doonin.

1-In aad noqoto mid lamid ah general da difaacaya Cali Cabdala Saalaxa Yemen iyo Asadka Syria ee xasuuqa ba’an ku haya shicibkooga.

2- In aad noqoto general kii Tunsia ee Ben Cali ku yidhi ’Adiga ayaa fudud ee dalka iskaga bax ee dalka ka saaray Ben Cali iyo xaaskiisa,kolkaa maalinta waxa lagaaga fadhiyaa in aad Geelle iyo xaaskiisa si nabad ah dalka u dhaafiso si dalkan iyo ummadu ay u badbaado.

Anigu aragti ahaan waxa aan kugu la talin lahaa in maalintaa aad shicibka iyo dalka aad u hiiliso maadaama aad tahay nin waayeel ah oo lagu tuhmayo waayo aragnimo,inkastoo mararka qaar ay waayeelnimadu  iyada laftigeega ay horseed u noqoto halaag sidii tii eebe Quraanka Kariimka ah ku sheegay ee 9 kii duq oo kale ee xumaha ka talinayay,ilaa imikana ka jirta meelo badan oo Soomaaliya kamid ah oo inta badan ay yartahay in la helo waayeel samaha ka taliya.

Bulshada reer Djibouti waa bulsho qalbi fiican oo dhaqan u leh kala dambaynta, isdhex yaacna aanan lahayn sida bulshooyin Soomaalida badhkood oo u diyaar ah in la maamulo waana mid ay kaga duwan yihiin bulshooyin kala ee Soomaalida laakiisne nasiib daro reer Guuleed iyo reer Geelle way ku guul daraysteen in ay sidii bulshadu u baahnayn ay u maamulaan .Waa bulsho dulqaad badan,afgaaban,daacadi ay ku hadhay laakiinse dulqaadkeega  iyo daacadnimadeeda ay  dadka badhkood oo sheeda ka jooga oo dhaqankeega aanan aqoon ba u lahayn ay u aragto doqoniimo iyo wax ma garato arinkusa saas maaha ee waa caksigeeda ,waxaan odhan karaa waa kuwo aqoon iyo aragti badan ba le laakiinse aanan dhaqan u lahayn in ay faanaan sida bulshooyinka badhkood oo aanan ismuujin,waa bulsho aanan dhaqan u lahyn munaafaqada ,ha moodin in aan faaninayo ee waa dhab jirta.

Zakariye iyo Xassan Siciid oo ah 2da nin ee dalkan ugu awooda badan waxaan leehay waxa la yidhi’Samirku xuduud buu lee yahay,sidaa daraadeed dulqaadkii uu ka dhamaaday ummada intaa in ka badana ma dulqaadanayaan ee bulshada dhibaato ugu filan inta ay reer Geelle iyo reer Guuleed ay u gaysteen ee hadii aad dalka wax rajjo uun ah aad ka qabtiin iniguna aad rabtiin taariikhdan qormaysa meel wanaagsan aad ka gashiin reer Geelle dhaafiye ummada iyo dalka ba.

Midna maanka halagu hayo,nabada iyo degenaanshuhu waxa uu gacantooda  kujiraa ilaahay kasakow waa bulshada daranyada iyo dacdarada lagu dilay oo iyadu ah dad nabada aad u jecel oo cidkaste ka jecel,leh dhaqan isku duubni ah,kolkaa Zakariye iyo Geelle ha ogaadaan in aynan iyaku nabad iyo colaad midna aynan haynin,laakiinse ay siyaasadooda guracani ay sabab u noqonayso dagaal sokeeye iyo nabad galyo daro ka dhacda dalka.

Sidaa daraadeed dadka in aanan la isku gu darin macaluul iyo jiidh jiidh keena dagaal sokeeye oo dadka iyo dalka ba u horseeda burbur aanan laga soo kaban sida ta ku dhacday ummada walaaleheena ee Soomaaliyeed.