Waxa rasaas lagu dhaawacay 8 qof oo Muslimiin ah meel u dhow masjid kuyaala Fransiiska

Paris(Horn Future)- Waxa lagu dhaawacay xalay 8 qof oo ay ku jirto gabadh yar kadib markii rasaas lagu furay dad ku sugnaa hortiisa masjidka lagu magaaco “al-Ramxa” oo kuyaala magaaladdaAvignon ee koonfurta France, sida uu sheegtay xeer-ilaalinta guud iyada meesha ka saartay suurto galinimada fal argagixiso.

Iyada oo la raacayo caddeeymaha ugu horeeya ee laga soo ururiyay goobta,ugu yaraan 2 qof ayaa waxa ay kasoo deggeen gaadhi meel u dhow masjidkan ku dhawaad goor-sheegta guduhu markay ahayd (22.30) kadibna waxa ay ku fureen rasaas, sida uu sheegay Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee, kaas oo tilmaamay in mid kamid ah uu adeegsaday qoriga nuuca lagu ugaadhsado

Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ayaa xaqiijiyay in nolosha dadkan dhaawacmay aynan ku jirin halis,waxana aan ogaanay bay tidhi xalay in masjidkani uunan ahayn bartilmaameedka la damacsanaa sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi.

Falkan ayaa waxa uu imanayaa maalmo uun kadib markii nin isku dayay inuu jiidhsiiyo gaadhigiisa masjid kuyaala duleedka magaaladda Paris Khamiistii lasoo dhaafay,kaas oo aanan gaysan wax waxyeello ah.

Bulshada muslimiinta ah ee ku nool France ayaa ka codsatay maamulka in masaajiido loo in la xoojiyo amniga goobaha cibaadada kadib markii nin gaadhi xamuul ah wata uu ku jidhsiiyay dad ku sugnaa dibada masjid ku yalaa fagaaraha, “Finsbury Park” ee London 19 June sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.