Taliska China oo ku qasbaya carruurta Muslimiinta ah inay badilaan magacyadooda

Beijing(Horn Future)-Ilaha warbaahinta ee China ayaa xaqiijiyay in madaxda China ay ku qasbeen carruurta Muslimiinta ee ka yar 16 jir inay badilaan magacyadooda gobolka(East Turkestan) ee Muslimiintu ay leeyihiin.

Magacyadan qasabka ay tahay in la badilo ayaa waxa ay ka kooban tahay tiradooda 15 magacyo ah,gaar ahaan “Islam, Quraanka, Makka, Xajka iyo Carafaat.”

Go’aanka ayaa waxa uu khuseeya dadka deggan gobolka(East Turkestan) ee China ugu magac dartay Xinjiang ee kuyaala waqooyi-galbeed kaas oo ay u badan tahay Muslimiinta qowmiyadda Uhguir ka .

Waxa xusid mudan in tani aynan ahayn markii ugu horeysay ee taliska shuuciga ah ee China uu ku qasbo muwaadiniinta Muslimiinta ah inay baddilaan magacyadooda.

Dhanka kale China ayaa waxa uu ka mamnuucay dadka Muslimiinta ah ee gobolkan inay soomaan bisha barakaysan ee Ramadaan iyo in gabdhaha Muslimiinta ah ay xidhaan xijaabka.

Xilli taliska shuuciga ah ee China uu ku hayo cadaadisyada intan le’eeg dadka Muslimiinta ah ee uu kala dagaalamayo diintooda iyo dhaqankooga, ayaa dhanka kale waxa uu mashaariic hantid badan ay kasoo gasho ka wadaa dunida Islaamka.