Degmada gobolka Cannes ee France oo ku dhawaaqday in ay ka mamnuucday xeebaha iyo meelaha lagu dabaasho huga ay xidhaan haweenka Muslimiintu

Paris –Degmada gobolka Cannes ee France ee kulaalayesa Badda Mediterranean-ka ayaa ku dhawaaqday in ay ka mamnuucday xeebaha iyo meelaha lagu dabaasho huga ama dharka loo yaqaano «Burkini», ee ay xidhaan haweenka Muslimiinta ah iyada oo ku dooday in uu kasoo horjeedo «dhaqanka iyo hiddaha cilmaaniga ah.»

Sida laga soo xigtay qoraal ka soo baxay degmadan,ayaa lagu sheegay in la mamnuucay dharka ama huga xambaarsan calaamadaha diinta xeebaha iyo meelaha lagu dabaasho, iyadoo ay sabab u tahay weerarrada argagixiso ee lala beegsanayo goobaha cibaadada ee dalka.

Ururka Haweenka ee  «Smile 13»  ama(Dhoolacadeynta 13) ee ka dhaqdhaqaaqa mid ka mid ah xaafadaha waqooyi ee magaalada Marseille ee koonfurta France ayaa ku dhawaaqay  5tii bishan August ee socota qoraal ay soo dhigtay bogeeda ay ku leedahay goobaha shabakadaha bulshada in la qaban qaabin doono 10ka bisha September maalin dhan oo ay ka qayb qaadan doonaan xubnaha ku jira dabaal gaar u ah haweenka oo lagu qaban doono barkad  ay kireysteen.

Laakiinse waxa ay ka mamnuucday xubneheeda in ay soo xidhaan dharka dabaasha ee loo yaqaano «Burkini» sababo ay ku sheegeen joogitaanka barkadan lab kamid ah macalimiinta dabaasha.