Karkariya: Koox diimeed cusub oo maramo weyn ka dhalisay dalka Algeria+daawo

 Algers(Horn Future)-Waxa marama weyn kadib oo ku saabsan faafidda Shiiciga,Masiixiyada iyo Axmadiyya marka kale lagu arkat dalka Algeria dood ay bilaabeen qaar kamid ah warbaahinta iyo golayaasha xidhiidhka bulshada gaar ahaan “Facebook” oo ku saabsan firqa cusub oo (Suufiyad) ah oo bilowday inay ku faafto dalka oo magaceeda lagu sheegay “Al-karkariyah”, taas oo bilowday inay si aad u weyn ugu faafto Morokko.

Waxa lagu faafiyay “Facebook” muuqaalo kamid ah kuwa raacsan kooxdan oo ku wareegaya iyaka oo ku labisan dhar lagu xardhay midabo kala duwan gobolka Mostaganem ee ku yaalla galbeedka Algeria oo ah meel aanan aad uga dheerayn soohdinta Algeria iyo Morokko.

Kooxdan ayaa waxay ku abtirsataa Maxamed Fawzi Karkari oo ku dhashay sanadkii 1974 magaalada Mesman oo noqotay xarunta firqadan.

Waxa habdhaqan diimeed kooxdan maramuhu ka taagan yahay loo arkaa in aynan wax badan ku kala duwanayn habka suufiyada kale ee gobolka ee ah”Xadrada” iyo “Khalwada”,laakiin waxa ka  soocay kooxdan ay tahay xidhashada dharka midabada kala duwan leh ee afar-geesoodka ah,iyada oo lala xidhiidhiyay inay ku abtirsadaan firqada”Shadliyada”,laakiinse horjoogayaasha firqadan ay diideen inuu ka dhexeeya wax xidhiidh ah.

Halkan ka daawo muuqaalo video ah oo ku saabsan firqadan cusub ee soo biirtay…