Kalluunka nuuca (sardines) ku waxa uu hodan ku yahay (omega-3)

London- Daraasaad ay sameeysay jaamacadda ( University of Paris) ayaa tilmaamtay in nuuca kalluunka (sardines) ka ay ku jirto tiro badan oo ah acid ka loo yaqaano ( omega-3 ) ee dufanka leh kaas oo la rumeysan yahay in uu faa’iido u yahay caafimaadka xididdada dhiigga mareenada.

Cilmi-baadhistan ayaa xaqiijiyay inay ku jiraan (sardines) ka tiro aad u sareeysa oo ah (vitamiin “D” ) iyo maadadda (calcium) ka oo iyagu aad u muhiim ugu ah caafimaadka iyo awooda lafta.

Daraasad hore ayaa lagu ogaaday in (acids)ka (omega-3) ee dufanka leh uu ka hortaggi karo dhaawaca wasakhda hawada ay u keento jidhka.

Waxa daraasadan ku sameeyay jiir baadhayaal uu hogaaminayo Dr. Jing Kang oo ka tirsan dhakhtarka Massachusetts ee dalka Mareykanka.

Xigasho: The Guardian