Midowga Yurub oo ku taliyay in la joojiyo dawo ay tijaabisay shirkad laga leeyahay India

Bruxelles(Reuters)-Waaxda dawooyinka ee Yurub ayaa ku talisay in la joojiyo oggollaanshaha in ka badan 300 oo dawooyin ah oo (diyaar u ah in la soo saaro ka dib markii ay dhamaatay muddada oggollaanshaha ee curintooda) sababo la xidhiidha tijaabooyin “dayac” ah oo ay sameeysay shirkadda( Micro Therapeutic Research Labs) ee India laga leeyahay.

Go’aanka waaxdan oo lagu faafiyay website ka ay leedahay ayaa waxa uu noqoyaa guul-daradii ugu danbeeysay ee ay la kulmaan waaxaha tijaabooyinka dawooyinka ee India,kuwaas oo la kala kulmay dhibaatooyin dhowr ah dhinacyada caalamiga ah ee nidaamiya dawooyinka dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Waaxda dawooyinka Yurub iyo saraakiisha Midowga Yurub ayaa waxa ay baadhitaan ku sameeyeen ilaa heerka ay u hogaansantay shrkadda ( Micro Therapeutic Research Labs) hab-dhaqanka shaybaadhka ka dib markii masuuliyiinta Austria iyo Holland ay cabsi ka muujiyeen howlaheega bishii February 2016.

Waxa waaxdan ay sheegtay in baadhitaankeega ay ku xustay cabsiyo dhowr ah oo la xidhiidha xarumaha shirkadda ee kusaabsan sida xun ee loo soo bandhigay xogaha daraasadda,la’aanta diiwaangelinta iyo sida xun ee loo maamulay xogahan.

Laakiin ma jirto caddayn ah in dawooyinkan ay leeyihiin halis ama waxtar la’aan kuwaas oo ay kamid yihiin dawooyinka lagu sameeyo gudaha ee sida baahsan loo isticmaalo,sida dawooyinka cadaadiska dhiigga iyo kuwa joojiya xanuunada garaaca.

Tijaabooyinka dawooyinkan ee waaxaha cilmi-baadhista ee India ayaa ahayd tallaabo muhiim ah si ay ugu hesho ogolaanshaha ay ugu iib gayso tiro balaadhan oo kamid ah dawooyinka qaybo kala duwan oo dunida kamid ah.

Waxa Yurub ay mamnuucday ku dhawaad 700 dawooyin ah 2015 kuwaas oo la oggollaaday tijaabooyinkooga oo ay fulisay shirkadda GVC Bioscience Inc., taas oo ah tan ugu weyn India oo sameeysay tijaabooyinkan wakhtigaas.

Waxa sido kale soo baxday in shirkadaha yaryar ee India ay seegan yihiin heerarka tijaabooyinka loo baahan yahay.