Iska ilaali maydhitaanka wajiga milayga aad maydhanayso waxay dhaawacaysa jidhkaaga

Wajiga oo la maydho subax iyo habeen maalin kasta waxa uu ka mid yahay waxyaabaha aasaasiga ah ee daryeelka jidhka, laakiinse in la sameeyo arrinkaasi milayga jidhka la maydhanayo waxa ay kordhisaa burburinta jidhka waxana ay ka dhigtaa wajiga midab aanan dhalaalaynin, sida laga soo xigtay wargeyska “Daily Mail”.

Kaye Scott oo ku xeel-dheer daryeelka jidhka ayaa u xaqiijisay wargeyskan in ay khalad tahay in wajiga lagu maydho tuushka hoostiisa ama biyo sida tuushka u socda oo ah kuwa heerka kulaylkooda loo isticmaalo jidhka.

Kaye ayaa waxa ay sheegtay in habkan uu sababo tabar darro ku dhacda (capillaries) oo ah xidida dhiig mareenada ah ee dhabanada kuyaala, taasoo keenta in dhabanku uu noqdo mid aanan qurux badnayn.

Waxa Kaye ay sheegtay in arrinkani sidoo kale uu sababo in uu door ka qaato in uu uga sii daro dhibaatooyinka jidhka haysta ee uu ku jiro shushubka jidhka .

Kaye ayaa waxa ay u sharaxday ururka “The Clinic” ee kulaaya Bondi Sydney arrinkan, waxana ay tidhi: ” kasakaw in dad badan oo anaka inaga mid ah ay aaminsan yihiin wajiga oo lagu maydho “tuushka” hoostiisa iyada oo la joogo biyo” Roob “in uu muhiim yahay si jidhku u noqdo nadiif ,laakiinse dhanka kale kulaylka iyo cadaadiska biyuhu waxa ay dhab ahaan u gaystaan jidhka  dhibaato aad u weyn”.

Dhakhtarada xanuunada jidhka ayaa waxa ay isku raacsan yihiin in biyaha kulul ay dhici karto in wajiga ay ka saaraan saliida dabiiciga ah ee ka hortaga taasoo  ilaalisa wajiga,waxana ay keenaan fiditaanka dhiig marinnada iyo wajiga oo casaada.

Sidaas daraadeed Kaye Scott ayaa waxa ay carabka ku adkeeysay sida ugu haboon ee loo maydhi karo wajiga si loo ilaaliyo jidhka in ay tahay iyada oo lagu nadiifiyo wajiga berkedda maydhashada iyada oo gacmaha la isticmaalayo ,waana in lagu dadaalaa in biyaha qasabada ee lagu maydho in ay noqdaan kuwo diiran oo aanan kululayn.

Waxay intaa ku dartay: “, Inta aan ilaalinayno wajigeena si uunan ula kulmin biyo si toos ah ugu qulqulaya,waxa aan anaku sidaas kaga ilaalinaynaa in uu dhaawac soo gaadho jidhka.”

Kaye Scott ayaa waxa ay ku talisay dhamaan,oo ay tidhi: “. Kalsooni muuji milayga soo socda ee aad ku fool dhaqanayso galay berkkeda, kuna qaado 3 ilaa 5 daqiiqo oo dheeraad ah aroortii si aad ugu raaxaysatid jidh dhalaalaya oo nadiif ah”

Xigasho: The Daily Mail